๐๐ฆ๐ข๐ฌ๐ ๐๐๐ ๐๐ฆ๐๐ข ๐๐ฒ๐๐ ๐ค๐ ๐๐ก๐๐๐๐ฒ ๐๐๐ซ๐ข๐ค๐?Ugu yaraan 242 afgambi oo millatari oo guulaystay oo caalamka ka dhacay tan iyo 1950kii, Afrika ayaa ah tiradii ugu badnayd oo 106 ah.Iyadoo lagu salaynayo xogta ay soo aruuriyeen cilmi-baarayaasha Mareykanka ah Jonathan M Powell iyo Clayton L Thyne, ugu yaraan 45 ka mid ah 54-ta waddan ee qaaradda Afrika ayaa la kulmay ugu yaraan hal isku day oo afgambi ah tan iyo 1950kii. Waxaa u dambeeyay afgambi ay maanta shaaciyeen militariga Gabon, oo meesha looga saaray xukunkii 50 sanno ee qoyska reer Bongo. ๐๐ง๐ช๐ข๐ฅ๐๐๐๐ฒ๐๐๐ข๐ข ๐ฅ๐๐ ๐ฎ ๐ ๐ฎ๐ฎ๐ฅ๐๐ฒ๐ฌ๐ญ๐๐ฒ ๐ฌ๐๐ง๐ง๐๐๐ข๐ก๐ข๐ข ๐ฎ ๐๐๐ฆ๐๐๐๐ฒ๐๐ฒ;๐๐ข๐ ๐๐ซ: July 26, 2023, Madaxweyne Bazoum waxaa afgambiyay militariga.๐๐ฎ๐ซ๐ค๐ข๐ง๐ ๐ ๐๐ฌ๐จ: Bishii Janaayo 2022, ciidamada Burkina Faso waxay xilka ka qaadeen Madaxweyne Roch Kabore, iyagoo ku eedeeyay inuu ku guul dareystay inuu xakameeyo rabshadaha ay geystaan xagjiriinta. Bishii September ee sanadkaas, waxaa dhacay afgambi labaad oo uu sameeyay Captain Ibrahim Traorรฉ kaasoo si qasab ah xilka uga tuuray Paul Henri-Damiba.๐๐ฎ๐ข๐ง๐๐: September 2021, taliyaha ciidamada gaarka ah Col. Mamady Doumbouya ayaa afgambiyay madaxweyne Alpha Conde. Sannad ka hor, Conde waxa uu u beddelay dastuurka si uu u hareer maro xadkii ka hor istaagi lahaa inuu mar saddexaad isu soo sharaxo, taasoo dhalisay rabshado baahsan.๐๐ก๐๐: Bishii April 2021, ciidamada Chad ayaa xukunka la wareegay ka dib markii madaxweyne Idriss Deby lagu dilay goobta dagaalka isagoo booqanaya ciidamo la dagaallamaya mucaaradka waqooyiga.๐๐๐ฅ๐ข: Bishii Agoosto 2020, koox ka mid ah kornaylada Mali waxay xilka ka qaadeen Madaxweyne Ibrahim Boubacar Keita. Inqilaabku waxa uu daba socday mudaaharaadyo dawladda lagaga soo horjeeday oo lagu diiddanaa ammaanka sii xumaanaya. Sagaal bilood ka dib, waxaa dhacay afgambi iska caabin ah, iyadoo Assimi Goita, oo loo magacaabay madaxweyne ku xigeen kii kowaad, uu hoggaaminayay kii labaad oo noqday madaxa dawladda.๐๐ฎ๐๐๐ง: Bishii Oktoobar 2021, General Abdel Fattah al-Burhan ayaa hogaaminayay la wareegida militariga ee Khartoum, isaga oo kala diray golihii talada hayay kaas oo ciidamada iyo rayidka ay ku wadaageen awooda dalka islamarkaana ku tuuray isbadalkii dimoqraadiyada ee dalka jahwareer. Posted byHassan M DualeSeptember 3, 2023Posted inUncategorized Share this: Click to share on X (Opens in new window) X Click to share on Facebook (Opens in new window) Facebook Like Loading... Related